Dagaalka Baydhabo ka dhacay oo ku dhamaan kara laba middood (Dani ma ugu jirtaa Laftagareen?)

0

(Hadalsame) 23 Dis 2022 – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaal xooggani uu saaka ka qarxay gudaha magaalada, kaasoo u dhexeeya ciidan ka amar qaata Maamulka Koonfur Galbeed iyo maleeshiyo beeleed ka amar qaata qaar kamid ah musharrixiinta u taagan xilka Madaxwaynaha maamulkaasi.

Ciidamada la weeraray ayaa ah kuwii la baxay ”Badbaadada KGS” kuwaasoo beryahan halkaa ku sugnaa waxaa watey mid ka mid ah mucaaradka diiddan muddo kororsiga Lafta-gareen, gaar ahaan Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Fargeeti.

Muddo kororsiga iyo in magaalada malliishiyaad lasoo geliyo ayaa labadaba lagu tilmaamay kuwo khaldan, halkii xal raadin iyo in sharciga la raaco lagu hagaagi lahaa.

Qaasim Neero ayaa qoraal yar oo uu kula hadlayo MW KG Somalia, Md Cabdicasiis Laftagraeen sidan ku bilaabay:

Dariiqa aad dooratay ee ah muddo kororsi xoog iyo xabad lagu meel mariyo, waxaan u haystay inaad wali xasuusan tahay halkii ay ku dhamaatay & natiijadii ka dhalatay.

Haddii dhacdooyinkii dhowaa ee weli raadkoodu sii muuqdo aadan waxba ku qaadan, waxaad noqonaysaa nin kursi jacaylku garashadii ka qaaday.

Dagaalkana adiga dani kuuguma jirto maxaa yeelay laba arrimood midkood ayay sheekadani kusoo gabagaboobaysaa:

A – In Dowladda Federaalku soo faragaliso oo ay ku baaqdo qabashada doorashada aad diiddan tahay.

B – Iyo in dagaalka kaddib laga wada xaajoodo aayahaaga siyaasadeed markaasna aad noqoto nin taladii la isku raaco ku gawracan.

W; D: Qaasim Cabdulle Xuseen

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku xusan

Hadalsame Media