FAALLO FAL-CELIN AH: Dood kasoo noqotay hadalkii Sheekh Umal ee ku saabsanaa in SUBACU sax yahay iyo in kale

0

(Hadalsame) 23 Dis 2022 – Subaca looma hooriyo keliya in ardayga laga fududeeyo aayadda uu inteeda badan soo wada akhrinayay, balse waxaa jira xeelad kale oo ah marka subaca la hooriyo oo ay dad badan kor u wada akhriyaan dhammaadka aayadda waxaa ardayga ku xiga u sahlanaanaya in uu xusuusto aayadda ku soo aaddan iyo weliba in aanan lagu caajisin akhrinta quraanka oo si xamaasad leh la isugu dhiidhiibo.

Subaca hooriskiisu ma bannaana oo waa xaaraam iyo karaahiyo qof dhahaa waxaa iigu horreeyay Sheekh Umal. Maanta dugsiyada magaalada aan joogo ku yaalla ee buugaagta iyo qalinka wax lagu barto waa ku yar yihiin ardada quraanka xifdisan, waxaana u sabab ah looxii iyo subacii oo laga tegay.

Bishii Ramadaanka ee la soo dhaafay waxaan qabanqaabiye ka ahaa tartan quraan akhris oo lagu dhiibayay abaalmarinno kala duwan. Ilaa afar dugsi oo aan macallimiintooda wacay waxay i dhaheen noo ma diyaarsana arday quraanka xifdisan, waxaana hubaa in xifdis-la’aantaasu ka timid xaashiyaha wax lagu barto iyo subaca oo aanan la hoorin.

Looxa in quraanka lagu barto waxay lahayd dhowr faa’iido. Marka hore ardaygu isaga ayaa gacantiisa ku qoranaya casharka oo uu macallinku u yeerinayo. Halkaas dhegaha ardayga waxaa ku soo laalaabanaya aayadaha uu qorayo oo waxaa lagayaabaa in marka uu qoraalka dhammeeyaba uu casharka xifdisan yahay.

Waa laga baxayaa casharkii la qoray. Maalinta inta ka dhiman looxii uu casharku ku qornaa ayaa ardayga hortiisa yaalla. Galabtii inta aanan looxa la dhaqin ayaa hadana mar labaad laga baxayaa casharka. Ardayga intaas oo dedaal ah waxa loo gelinayo waa in quraanku uu laabtiisa dego.

Waa sababta maanta aniga oo xitaa quraankii muddo ka mashquulsanaa, hadana marka aan maqlo aayad la akhrinayo aan halkeeda ka sii wadi karo, weliba anigoo xusuusanaya halkii ay kutaabka uga qornayd iyo maalinkii aan baranayay meeshii aan looxa uga qoray.

Culumada markii ay ka hoosbaxdo oo ay simbiririxdaan ma sahlana in la saxo qaladkooda. Maxaayeelay waxaa ka soo horreeya ardadoodii oo dheg la qabto aanan laheyn, iyaga oo u maleeya in sheekhoodii la isku dhererinayo.

XUSUUSNOW – Sheeku ma uusan sheegin wax nabiga ka sugnaaday lkn fasiraad ay rag culimo ihi isku khilaafeen iyo aayadda meesha laga qabanayo ayaa dhib ka imanayaa ayuu iin ka dhigay.

Taana waxaa lagu xallin karaa in la sheego meelaha aysan ku habboonayn in laga qabto micne ahaan, kaddibna la sheego meesha ama meelaha ku habboon ee hooriska laga bilaabi karo.

Subaca halla wado hana la dhiirrigeliyo si Qur’aanka loo xifdiyo, kaliya hallugu kordhiyo barnaamij dhinac socda oo ah in ay dadku bartaan micnaha Qur’aanka oo ah ujeedka koowaad, oo marka uu ilmuhu ama qofku mar qura Qur’aanka dhameeyo loo billaabi karo, si ay u sahlanaato inay dadku ku dhaqmaan ama u fahmaan Qur’aanka ay aqrinayaan.

W; Q: Cabdirisaaq Xasan Jidhi

Hadalsame Media