RASMI: Salt Bae oo go’aan culus la dul dhigay kaddib wixii uu ka sameeyey final-ka Koobka Adduunka

0

(Hadalsame) 22 Dis 2022 – Dabaakha ama kariyaha Turkiga ah ee Salt Bae ayaa laga mamnuucay ka qay galka final-ka koob wayn oo lagu qabto Maraykanka sabab la xiriirta dhaqankiisii final-kii Koobka Adduunka.

Koobka US Open Cup, oo u dhigma koobabka dalalka laga qabto sida FA Cup-ka England, ayaa soo dhigay bartiisa Twitter-ka mamnuucidda cunto kariyahan caanka ah oo loo diidey inuu yimaado dhammaadka tartankooda.

Milkiilahan caanka ku ah busteekiga laga helo Steakhouse Salt Bae, magaciisa dhabta ihina yahay Nusret Gokce, ayaa si wayn loogu dhaleeceeyay dhaqankiisa kaddib final-kii Koobka Adduunka ee Qadar, iyadoo la arkayey isaga oo garoonka soo galay, eryanaya dadka caanka ah, sida Lionel Messi islamarkaana jebinaya sharciga u yaalla Koobka Adduunka oo ay mamnuuc tahay inuu taabto qof aan ahayn kooxda ku guulaysatey iyo madaxda loo rukhseeyey qaarkood.

Laba maalmood kaddib, tweet lasoo dhigay oo arrintan ka hadlayey ayaa waxaa la jeclaaday in ka badan 130,000 jeer. Intaa waxaa dheer, muqaal muujinayey Messi oo ku dadaalaya inuu iska ilaaliyo inuu sawir la galo Salt Bae kaddib guushoodii Koobka Adduunka.

Hadalsame Media