”Wuxuu igu yiri Ingiriis ma aqaan” – Mbappe & Giroud oo si xun ula dhaqmay laacib funaanad waydiistey (Leo Messi ayuu…)

0

(New South Wales) 22 Dis 2022 – Halyeeyga kooxda Cult Socceroos, Jason Cummings, ayaa shaaca ka qaaday xiddigaha reer France ee Kylian Mbappe iyo Olivier Giroud ay aad u danaynaeen inay isaga jac ku dhejiyaan kaddib kulankoodii Koobka Adduunka, halka Giroud uu itaa iska dhigay in aanu ku hadlin af Ingiriisiga.

Cummings, oo ciyaarta soo galay daqiiqadii 56-aad kulankii Socceroos ay guuldarro culus oo 4-1 ah kala kulmeen Les Bleus furitaanka ololahooda Koobka Adduunka, ayaa si aad ah u doonayey inuu helo funaanadda mid ka mid ah xiddigaha ugu waawayn kubada cagta adduunka, Mbappe.

27-jirka weerarka kaga ciyaara Central Coast Mariners ayaa si maad leh dib ugu gocday hadalladii ay iswaydaarsanayeen isaga iyo ciyaartooydan xilli uu jac arxan darro ah kala kulmay labadan weeraryahan ee Faransiiska ah.

“Kaddib ciyaartii France, dhab ahaantii waxaan isku dayey inaan arko Mbappe – iska ilow Giroud, waxaan u aaday laacibka wayn ee Mbappe – wuxuuna ii sheegay inaan kula kulmo qolalka dhar bedelka,” ayuu ku yiri barnaamijka ka baxa Channel 10 ‘The Project‘ habeenkii Talaadadii.

“Sidaas darteed waxaan aadey qolka dhar beddelka, ninkii dhar hayaha ahaa ayaana u dhiibey funaanadaydii, 10 daqiiqo kaddib wuxuu lasoo laabtay funaanadaydii isagoo igu yiri: “Haka yaabin, gebi ahaanba maya, (Mbappe) ma rabo inuu funaanad kaa bedesho”. ‘

“Haddaba markii aan ku soo laabanayey qolkayga dhar beddelka ayaan arkay Giroud anigoo u socda sidii abid ugu qurux badnayd, waxaanan waydiiyey, Giroud, fadlan ninyahow, funaanaddaada ma heli karaa? taageere wayn ayaan kuu ahay, funaanaddaada ma heli karaa?”, ayuu dib u gocday.

‘Deeto wuu i dhinac maray uun, isagoo iska dhigaya inuusan weligii ku hadlin af Ingiriisi! Hadde 10 sano ayuu joogey Premier League! Wuu i dhinac maray uun!’

Hadalsame Media