Kooxda EPL ee ay u badan tahay inuu ku biiri karo laacibka la wada raadinayo ee Mykhailo Mudryk oo la magacaabay

0

(Hadalsame) 21 Dis 2022 – Kooxo badan oo ka dhisan Horyaalka EPL ayaa maalmihii dambe la hadal hayey inay safka uga jiraan cayrsiga ciyaaryahanka reer Ukraine ee u safta kooxda Shakhtar.

Yeelkeede, Xigeenka Agaasimaha Ciyaaraha ee kooxda Shakhtar Donetsk, Carlo Nicolini, ayaa xaqiijiyey xiisaha kooxda Arsenal ay u qabto saxiixa Mykhailo Mudryk inta lagu guda jiro suuq jiilaaka bisha Janaayo.

Sportsmail ayaa dhowaan daaha ka qaaday in Arsenal ay suuqa ugu jirtey sidii ay ku heli lahayd xiddig wayn waxayna soo hadal qaadeen xiisaha ay u qabto Mudryk.

Macallinka Mikel Arteta ayaa rajaynaya imaatinka Mudryk iyo inuu Arsenal ka caawin karo raadinta hanashada Premier League xilli ciyaareedkan.

Hadalsame Media