Naqshadda lacagta cusub ee UK oo lasoo bandhigay & Xilliga ay suuqa soo gelayso + Sambalka & Qiimaha

0

(London) 21 Dis 2022 – Naqshadaha lacagta waraaqaha ah ee UK ee mustaqbalka ee muujinaya sawirka Boqor Charles III ayaa waxaa shaaca ka qaaday Bangiga England (BoE) Talaadadii. Maamulaha ayaa sheegaya in lacagtan cusubi ay hirgeli doonaan bartamaha 2024.

Sawirka boqorka ayaa ka muuqan doona afarta warqadood ee polymer-ka ah (£5, £10, £20, iyo £50) iyada oo aan wax isbeddello ahi jirin. Sawirka boqorka ayaa sidoo kale ka muuqan doona xagga hore ee waraaqaha lacagta daaqadda iftiinka lagu arko ee amaanka loogu talagalay.

“Tani waa arrin muhim ah, maadaama uu Boqorku yahay boqorkii labaad ee kasoo muuqanaya lacagteenna,” ayuu yiri Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, Andrew Bailey, oo qoraal soo saaray.

Dhaqanka ah in boqortooyooyinka xukun haya lagu sawiro lacagta waraaqda ah ee UK ayaa bilaabmay 1960-kii, markaasoo lacagta £1 gini ah ee muujinaysa Boqoraddii Elizabeth II lasoo saaray Qadaadiic, si kastaba ha ahaatee, qadaadiicda waxay boqortooyadii wax xukumayay ku sawirnaayeen qarniyo badan.

Lacagtii ugu horreeysay ee qadaadiic ah ee uu ka muuqdo sawirka Boqor Charles III ee kasoo baxda UK Royal Mint waxaa lasii daayey 8-dii Diseembar.

Charles waxa uu noqday boqor bishii Sebtembar, isaga oo dhaxlay hooyadiis, Queen Elizabeth II, oo geeriyootey kaddib 70 sano oo ay carshiga boqortooyada ku dangiigtey.

Dhanka kale, lacagaha qadaadiicyada iyo waraaqaha ah ee muujinaya sawirka boqoraddii dhimatay ayaa lasii isticmaali kari doonaa sida uu sheegay BoE.

Hadalsame Media