MW caan ah oo Afrikaan ah oo isaga oo salaan qaadanaya isku kaadiyey (Daawo)

0

(Hadalsame) 14 Dis 2022 – Waxaa soo baxay muuqaal naxdin badan oo muujinaya MW dalka ugu da’da yar Afrika ee South Suda, Md Salva Kiir oo isagoo aan ogayn isku kaadinaya.

MW Kiir ayaa loo badinayaa inuu markan ka qaybgelayey furitaanka jid uu Shiinuhu dhisay qaybta Juba-Terekeka oo dhererkiisu dhan yahay 63 km, kaasoo ka tirsan jid 392 km ah oo isku xiraya Juba-Rumbek oo ay dhisayso shirkadda Shiinaha ee Shandong Hi-Speed ​​​​Co taasoo ahayd maalin kahor, sida ku qoran Xinhua.

Madaxwaynaha ayuu sawirku qabanayaa isagoo u taagan astaanta calanka dalkaasi, balse waxaa la arkayaa iyadoo ay kaadidu ka socoto isagoo u muuqda inuusan ka warqabin waxaana markiiba la duwayaa kaamirada oo loo jihaynayo dhinac kale.

Wararka qaar ayaa sheegaya in MW Kiir uu beryihii dambe jirranaa iyadoo marar hore oo badan oo uu dalal dibedda ah aadey la sheegay inuu jirran yahay waloow uusan isagu qirin afhayeennadiisuna ay beeniyeen.

Hadalsame Media