Macallimad Maraykan ah oo Marooko darteed ku heshay lacag ka badan hal milyan oo Doollar

0

(Hadalsame) 14 Dis 2022 – Macallimad Maraykan ah ayaa sharad ku kacay 90 kun oo Doollar ku gashay in Morocco ay u soo baxdo siddeed-dhammaadka Koobka Adduunka toddobaadyadii lasoo dhaafay, inkastoo aanay ka garanayn “xataa hal ciyaartoy”.

Waxay ahayd waalli aan xisaab lahayn, balse si la yaab leh haatan isu bixisay, maadaama sharad ahaan qoondada lagu helayo wiilasha Regragui ay aad u sarraysey.

“Waan haystey teleefankayga oo markii aan muddo joogaba aan eegayey, balse waxaan isku dayey inaanan eegin,” ayay tiri macalimaddu, iyadoo ku nuux-nuuxsatay in markii ay maqashay warka ay ku jirtay dugsiga gaar ahaan fasalkeeda PE.

“Ma doonayo inaan been sheego oo aan iraahdo si buuxda ayaan uga warqabey waxa aan samaynayo, aad ayaan u nasiib badnaa sababtoo ah waxaan doortay inaan sharad ku galo kooxda fursada ugu yar haysata.”

Haatan macallimaddani waxay heshay lacag ka badan hal milyan oo Doollar taasoo gelinaysa liiska milyaneerrada.

Hadalsame Media