Iran oo cambaarayn kala kulantay laacib ay toogasho ku xukuntay

0

(Hadalsame) 13 Dis 2022 – Jamciyadda xirfadlayda kubadda cagta ee FIFPRO ayaa sheegtay inay aad uga naxday wararka sheegaya in ciyaaryahanka Amir Nasr-Azadani uu wajahayo xukun dil ah gudaha Iran, waxayna ku baaqeen in ciqaabtaa laga noqdo.

Dalka Iran ayaa waxaa ka dhacayey dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo Dowladda Iran kuwaasoo ka dhashay dhimashada Mahsa Amini oo 22 jir ahayd, oo xabsiga ku geeriyootey bishii Sebtembar, iyadoo lagu eedeeyey inay ku guuldarraysatay inay raacdo nidaamka lebiska Islaamiga ah ee dalkaasi.

Farriin lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Twitter-ka ee ururka ciyaartoyda FIFPRO ayaa lagu yiri:

‘FIFPRO aad ayay uga naxday ugana xanuunsatay wararka sheegaya in xirfadlaha kubbadda cagta ee Amir Nasr-Azadani uu wajahayo dil kaddib markii uu u ololeeyey xuquuqda haweenka iyo xorriyadda aasaasiga ah ee dalkiisa.

“Waan garab taaganahay Amiir, waxaana ku baaqaynaa in si deg deg ah meesha looga saaro ciqaabtiisa.”

Hadalsame Media