Maxay tahay sababta Arsenal iyada oo badisay misna rigoorayaal loogu kala baxay? (Sida uu u shaqeeyo Dubai Super Cup)

0

(Dubai) 13 Dis 2022 – Arsenal ayaa ku guulaysatay koobka Dubai Super Cup 2022 kaddib markii ay 2-1 ku garaacday AC Milan galabta.

Martin Odegaard iyo Reiss Nelson ayaa qaybtii hore ee ciyaarta goolasha u dhaliyey Gunners kahor inta uusan Milan gool soo daahay u dhalin daaficii hore ee Chelsea ee Fikayo Tomori.

QAABKA UU U SHAQEEYO? Koox kastaa waxay ciyaaraysaa laba kulan oo qaab horyaal ah. Arsenal ayaan la ciyaari doonin Liverpool, halka Lyon iyo Milan aysan kulmi doonin.

Koobka Dubai Super Cup waa uu ka duwan yahay inta badan tartamada kubbadda cagta marka loo eego nidaamka dhibcaha. Kooxuhu waxay weli helayaan 3 dhibcood marka ay badiyaan, eber guuldarrada, laakiin bar-barruhu waxa uu u dhigmaa 2 dhibcood.

Intaa waxaa dheer, kulan kastaa wuxuu ku dhamaanayaa rigoore rigoore iyadoon la eegin natiijada 90-ka daqiiqo. Guulaystaha rigooruhuna wuxuu helayaa hal dhibic oo gunno ah.

Natiijada ilaa haatan

  • Arsenal 3-0 Lyon (Arsenal ayaa misna rigoore ku badisay 2-1)
  • Liverpool 1-3 Lyon (Lyon ayaa misna rigoore ku badisay5-3)
  • Arsenal 2-1 Milan  (Arsenal ayaa misna rigoore ku badisay 4-3)

Hadalsame Media