Min ururinta xiddigaha qurbajoogta ah, malaayiin Doollar oo maalgelin ah ilaa caayda shakhsiga ah ee macallinka (Sida ay Marooko meeshan ku timid & Tirada qurbaha?)

0

(Hadalsame) 11 Dis 2022 – Macallinka Morocco, Walid Regragui, waxa uu ka soo jeedaa xaafadda Corbeil-Essonnes, oo ah degsiimo wayn oo ku taal webiga Seine taas oo halis ugu jirta inay liqdo magaalada Paris oo kusoo fidaysa.

Daafacii hore ee dadabka midig, xirfadiisa ciyaareed waxa uu inta badan ku qaatay horyaalka Faransiiska.

Regragui, xiriirkiisii ugu horreeyey ee uu la yeesho dalka uu asal kasoo jeedo ee Morocco markii uu soo korayey wuxuu ahaa inuu xilliga fasaxyada dugsiyada uu halkaas ku tegi jirey booqashada qaraabadiisa.

Ha yeeshee, wuxuu udub dhexaad u yahay qorshe ay Dowladda Morocco ku bixisay 63 milyan oo Doollar taasoo lagu dhisay xarumo tababar iyo ururinta xogaha xiddigaha asal Marookaanka ah ee qurbaha ku firirsan, taasoo keentay in xulkooda haatan nus-dhamaadka taagan oo ka kooban 26 laacib ay 14 ka mid ihi qurwaabiyiin yihiin, iyadoo 11-ka safka koowaad ay 3 qur ihi ku dhasheen Marooko.

“Waxa fiican ayaa ah in ciyaartoydu ay ku dhasheen dalalka Germany, Italy, Spain, France, Netherlands, Belgium – wadan kastaana waxa uu leeyahay dhaqan kubadeed gaar ah, waxaan marka samaynay isku dhaf”. ayuu yiri Walid Regragui.

Yeelkeede, Walid Regragui oo isaga dhamba la magacaabay bishii Agoosto wuxuu la kulmay dhaliilo iyo eedo badan iyadoo ay dad badani soo jeedinayeen in xulka laga soo xulo gudaha Marooko oo qurbajoogta laga daayo ama laga yareeyo, iyadoo ay qaar daliishanayeen inay adkaan doonto in la is fahamsiiyo, balse taasi dhib kuma noqon macallinka oo ka abuuray muwaafaqo buuxda gudaha iyo dibedda garoonka intaba.

Macallinka oo lagu saluugayey inuu yahay nin qurbejoog ah ayaa xitaa lagu caayey kelmado aan ku haboonayn sida ”Madax Avocado”, isagoo soo qaaday avocado kala jeexan oo si xirfadaysan booskii mirta kubbad la geliyey, mar uu saxaafadda la hadlayey.

Marooko waxay dunida ku leedahay qurbo-joog inta badan ku baahsan qaaradda Yurub oo ku dhow 5 milyan oo madax. Inta ugu badan – in ka badan 1.1 milyan – waxay deggan yihiin Faransiiska laakiin waxaa jira bulshooyin badan oo Moroccan ah oo ku dhaqan Spain, Italy, Holland iyo Belgium.

Hadalsame Media