Ukraine oo Maraykanka waydiisatey hub mamnuuc ka ah dunida & Halistiisa (Jawaabta Maraykanka?)

0

(Hadalsame) 11 Dec 2022 – Ukraine ayaa waxay ka codsatay maamulka Joe Biden inuu siiyo gantaalaha sida bambooyinka isku xiran ee cluster-ka si ay ugu adeegsadaan Ruushka.

In ka badan 100 dal ayaa mamnuucay adeegsiga hubkan, waxaana saraakiisha Maraykanku ay durba muujiyeen “walaac” ku saabsan bixinta hubkan.

“Sida ay dhigayso siyaasadeennu, waxaan walaac ka qabnaa adeegsiga hubka noocan ah,” ayuu yiri afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Maraykanka ee John Kirby oo la hadlayey suxufiyiinta.

Si kastaba ha noqotee, maamulka Biden si toos ah Kyiv ugama diidin codsiga bambaanooyinkan tixan, sida lagu faafiyey hilinka CNN.

Hubkan ayaa markii ugu horreeysey la isticmaalay Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Waxay ka kooban yihiin gantaal sida bambooyin taxan oo hawada ka furma una kala firdhaya dhinacyo badan iyagoo deeto ku qarxaya dhul ballaaran.

Si kastaba ha ahaatee, qaraxyadaa ku kala firdhaya aagga ballaaran ayaa waxa uu khatar wayn gelinayaa qof kasta oo ku sugan aagga xilliga weerarku dhacayo, hadday yihiin dagaal-yahanno iyo haddii ay rayid yihiinba.

Sidoo kale, qaar badan oo ka mid ah bambooyinka kasoo baxaya gantaalku marar badan ma qarxaan taasoo ka dhigta miinooyin nool oo muddo dheer oolli karta.

Sidaa darteed, Cahdiga Caalamiga ah ee mamnuucaya hubka noocan ah ee QM (United Nations Convention on Cluster Munition) waxaa ilaa haatan saxiixay 110 dal.

Waa codsigii ugu halisanaa ee ka yimaada Kyiv ilaa bilowgii dagaalka Febraayo 2022.

Hadalsame Media