Kenya oo muujisay inaysan si buuxda ugu ”faraxsanayn” dagaalka lagu qaaday Shabaabka + Sababta

0

(Hadalsame) 11 Dec 2022 – Dowladda Kenya ayaa boqolaal ka tirsan ciidamada ammaanka dalkaasi Kenya maalihii ugu dambeeyey gaynaysey magaalooyinka ku teedsan xadka Kenya ay hadda la wadaagto Soomaaliya.

Kenya ayaa muujisay inay si dhow isha ugu hayso gulufka dagaal ee ay waddo DF Somalia oo kaashanaysa dadka degaanka ee ka dhanka ah Al Shabaab, kaasoo guulo hordhac ah oo waawayn laga gaarey dhulal badanna kooxdan looga qabsaday.

Nairobi ayaa haddaba waxay cabsi wayn iminka ka qabtaa in xubnaha ka tirsan kooxda Shabaab ee silaca badan dadka Soomaaliyeed ee ay horayba dagaalladu u daashadeen ay dalkooda soo galaan iyagoo ka baxsanaya weerarrada ciidamada Soomaaliya, sida ay qabaan saraakiisha ammaanka dalkaasi.

Degaanada ku teedsan ”xuduudka” haatan ayaa sidaa daraadeed waxaa si la dareemi karo looga fahmayaa qul’qulka ciidamada Kenya, oo la sheegay in halkaasi loo geeyey si ay isha ugu hayaan wixii firdhad ah oo Al Shabaab ah.

Ilo amaan iyo dadka degaanka Somalia gaar ahaan goobaha ay ku wajahan yihiin weerarrada ciidamada DF iyo kuwa degaanka ee Macawisleey ayaa iyana sheegaya in Al Shabaab ay muddooyinkii dambe ka firxanayeen halkaasi.

Hadalsame Media