Gabar Soomaali ah oo 19 sano UK deganayd oo tillaabo yaab leh kala kulantay Waaxda Socdaalka dalkaasi

0

(Hadalsame) 11 Dec 2022 – Gabar madow oo ku nool dal EU ah oo si ku meel gaar ah loogu diidey inay soo gasho UK markii ay isku dayday inay raacdo tareenka Eurostar ee Paris ka baxa Sabtigii.

Dahaba Ali Hussen, oo haysata dhalashada dalka Holland, asalkeeduna yahay Soomaali, kuna noolayd magaalada London muddo 19 sano ah, ayaa fasax keligeed ah ku joogtey dalka Faransiiska, waxaanay timid xarunta tareennada ee Gare du Nord laba saacadood kahor inta aanu tareenkeedu u dhaqaaqin London St Pancras.

Mase awoodin inay dhaafto safka dadka haysta dhalashada EU-da, waxay markii hore u qaadatay inay jirto cillad tignoolajiyadeed. Waxay ku andacoonaysaa in sarkaal ka tirsan ciidanka xuduudaha UK oo ay xilligaas u tagtay uu kala wareegey baasaboorkeedii kaddib markii uu ku wargeliyey in lagu samayn doono “baaritaanno dheeraad ah” maadaama hore loogu diidey sharciga degenaanshaha UK.

Waxay sheegtay in deeto loo dhiibay foom horay loo soo buuxiyey, oo ay ku qoran tahay in loo diidey in ay dib ugu soo laabato UK, iyo meel kale oo sheegaysa in lagu xannibay sharciga socdaalka ee soo baxay 1971-kii, iyadoo shegtay inay dareentay ”xaalad cabsi badan.”

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in “arrintani ay qayb ka ahayd hubinta ammaanka ee caadiga ah, gabadhuna ay dib u dhacday muddo gaaban, laakiin marna aan loo sheegin inaysan u safri karin UK, islamarkaana aysan seegin tareenkeedii.”

“Waan ka cudur daaranaynaa wax kasta oo dhib ah oo ay arrintani u gaysatay Dahabo, laakiin waxaan mar walba mudnaanta siin doonnaa ammaanka dalka.” ayuu yiri.

Hadalsame Media