Ronaldo oo xalay Portugal ku sameeyey arrin ay ku kala dhinteen Man United (Daawo)

0

(Hadalsame) 07 Dis 2022 – Laacibka Cristiano Ronaldo ayaa muujiyey inuu yahay shakhsi go’doonsan kaddib guushii waynayd ee Portugal ay 6-1 kaga badisay Switzerland habeenimadii xalay isagoo garoonka kaligii ka baxay xilli asxaabtiisa ay sii wadeen dabaaldegga bandhigooda cajiibka ah ee garoonka.

Portugal ayaan wax dhibaato ah la kulmin isaga la’aantiis iyaga oo 5-1 ku hogaaminayey intii uusan soo gelin – iyadoo beddelkiisii Goncalo Ramos uu dhaliyey seddexleey isagoo kursiga keydka kusoo bilowday ciyaartii bug-baxa ee xulkiisa markii ugu horreeysey tan iyo Euro 2008.

Laacibkan waayo aragga ah ee 37-jirka ah ayay ka bixitaankiisa guushii Switzerland ee gegada Lusail Stadium jeer ay saaxiibbadii boodboodayaan aysan ahayn markii ugu horreeysey.

Wuxuu sidan oo kale yeelay kulan ka dhacay Old Trafford waana sababta ay iskugu dheceen isaga iyo Man Utd oo ay hadda kala irdhoobeen.

 

Hadalsame Media