Dal Ukraine si qarsoodi ah ku siiyey hub hadda kahor lagusoo ridey duqeeyihii ugu horreeyey ee raadaarka ka dhuunta + Sawirro

0

(Kyiv) 07 Dis 2022 – Cadaymo cusub ayaa soo jeedinaya in nidaamka difaaca hawada sare ee Poland ay hadda adeegsadaan Ciidamada Ukraine, maalmo uun kaddib markii Kyiv uu ka codsaday Jarmanka inuu siiyo nidaamka difaaca gantaalaha ee Patriot kaasoo ay u diideen.

Tadawur cusub, nooc naadir ah oo ah nidaamka difaaca hawada ee S-125 ee lagu sameeyey Poland ayaa lagu arkay sawirro cusub oo la sii daayay oo aad ugu faafay internet-ka.

S-125 Neva SC waa nidaam difaaca hawada ah oo Polish-ku ka maduufikeeyey noocii S-125 ee waagii Soofiyeedka kaasoo lagu rakibo taangiga WZT-1.

Kahor intii aan S-125 Neva SC lagu arkin gudaha Ukraine, ku wareejinta Ukraine ee nidaamka difaaca hawada waxaa ay ahayd sir ay aad u xafideen labada dhinac.

S-125 waxaa uu wax ka dilaa joogga hoose iyo kan dhexe waxaana lagu toogan karaa dayuuradaha wax duqeeya iyo gantaalaha kuruuska ah, duqeeyayaasha uu hubkani toogtey waxaa ugu caansan duqeeyihii ugu horreeyey dunida ee raadaarka ka dhuunta ee Maraykanka US F-117A Nighthawk, intii lagu jirey dagaalkii NATO ee Yugoslavia 1999-kii.

Wuxuu wax ka dili karaa joog dhan 18km iyo masaafo gaaraysa 25 km.

 

 

Hadalsame Media