SAWIRRO: Arrin Muqdisho ka socota oo kacdoon bulsho keeni karta (DF ma ogtahay?)

0

(Muqdisho) 05 Dis 2022 – Waxaa magaalooyin ka tirsan Somalia ka socda olole dhisme walow aan weli wax tumin dhan laga qaban kaabayaashii muhimka ahaa sida bullaacadaha, jidadka, ammaanka, adeegyada kale IWM.

Meelaha ugu darani waa hantida ma guurtada ah oo so aan caqli gal ahayn faraha uga sii baxaysa Somalia marka la eego qiimaha kirada, iibsiga boosaska IWM.

Waxaad weliba sii yaabaysaa marka aad taas usii eegto si nisbi ah dakhliga aadka u hooseeya ee Somalia oo ka mid ah dalalka dunida ugu saboolsan.

Waxaan arkay guri ku yaalla xaafad ka tirsan kuwa ugu ammaanka xun Muqdisho oo qayb-guri ka kooban 3 qol lagu kiraynayo 700 oo Doollar. Waxaa dheer korontadii, biyihii iyo adeegyadii kale oo ka gaar ah.

Ogoobey guryahaasi inta badan xitaa ma laha adeegyo micne leh sida meelo lagu ciyaaro, gawaarida la dhigto, hab nidaamsan oo qashinka loo fogeeyo IWM.

Lacagtaasi waxay xitaa meelaha qaar ka badan tahay, hadde waa la egtahay ma aha, tan lagu ijaaro guri-qaybeedyo adan oo ku yaalla Yurubta woqooyi oo ah dalalka ugu hodonsan Galbeedka.

Aan tusaale usoo qaadanno GDP-ga Sweden oo sanadkan noqotay dalka ugu wanaagsan ee lagu noolaado waa 7.293 bilyan USD oo Doollar (2021), iyadoo xaafado badan oo ku yaalla magaalooyinka waawayn 3 qol lagu heli karo wax u dhexeeya 550 ilaa 6500 oo kr oo ka yar 700 oo Doollar.

Halka kobaca wax soo saarka maxalliga ah ee Somalia uu yahay 627.4 billion USD bilyan oo Doollar (2021).

Taasi waxay ka dhigan tahay in Muqdisho ay ka guryo qaalisan tahay dalal 90 jeer ka dakhli badan, ka amaan badan kana tas-hiilaad wanaagsan intii la doono.

DF iyo Maamullada dalka ka jira waa inay ku baraarugaan in ganacsiga dhiig-miiradka ah ee lagu saleeyey 10% dadka ka mid ah oo ama qurbaha kasoo laabtay, ganacsi haysta ama tubbo kale meel ugu jirto uu marka dambe dili doono isku duubniada bulshada.

Waxaa sidoo kale nidaamkan ay inta yari noolaanayso ka dhasha xasarado, kacaanno, in la is addoonsado oo inta faqriga ah la dhiig miirto marka uu abuurmo farqi dabaqadeed oo aad u wayn.

Beecu waa xor, laakiin ku bar goo sicir laga bixi karo!

 

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media