”Juventus waxay ku jirtaa kiis ka culus midkii Calciopolli” – Qarreen ku xeel dheer cadaaladda ciyaaraha oo rajo xumo muujiyey

0

(Luhansk) 05 Dis 2022 – Mattia Grassani, oo ah qareen aad loo ixtiraamo oo caan ku ah khibradiisa sharciga ciyaaraha, ayaa sawir xun u soo bandhigay kooxda Juventus iyada oo lagu gudo jiro baaritaanka lacagaha mushaharka ah ee qarsoon ee ay bixisay IWM.

Kooxda Bianconeri ayaa waxaa hadda ku socda baaritaan lagu eedaynayo inay heshiisyo qarsoodi ah la gashay ciyaartoydooda si ay u bixiyaan mushaar 3 bilood ah, in kasta oo ay sida kale u sheegeen in kooxdu ay oggolaatay in looga tanaasulo mushaar bilood ah xilligii marxaladaha hore ee cudurka COVID-19. Wararka ayaa sheegaya in ilaa 17 ciyaartoy la siiyey lacag dhan 60 milyan oo Euro.

Isagoo la hadlayey Radio Rai1, Grassani ayaa marka hore ka hadlay ganaaxyada suurtagalka ah ee Juventus ay wajahayso haddii kiiskani ku cadaado.

“Tani waxaan u malaynayaa inay tahay baaristii ugu cuslayd ee taariikhda Juventus, xitaa ka culus tii Calciopoli ee 2006-dii. Dhaqankan sharci darrada ah ee lagu eedeeyey ma aha wax horay u dhacay abid,” ayuu ku bilaabay.

“Heerka ciyaaraha markii la eego, waxay halis ugu jiraan in ka badan ganaax ama ciqaab dhexdhexaad ah. Waxa socda waxay u horseedi karaan ciqaab culus sababtoo ah qaanuunka ayaa sheegaya in haddii ay dhacdo in wax laga beddelo dukumentiyada, sida waraaqaha gaarka ah, ay keeni karto cawaaqib wayn,” ayuu raaciyey isagoo ku dooday in cadaalada ciyaaruhu ay qaadato waqti aad u gaaban oo la soo gabagabayn karo isla fasalkan 2022-23.

Qarreenku wuxuu fikirkiisa ka dhiibtay iscasilaadii wadareed ee guddiga agaasimayaasha Juventus oo uu barbardhigay is casilaaddii wadareed ee xilligii Calciopolli.

“Iscasilaadani waxay na xasuusinaysaa tii 2006-dii ay sameeyeen Moggi, Giraudo iyo Bettega. Dhab ahaantii waa calaamad togan oo laakiin ku dhex jirta sawir murugo badan.” ayuu yiri isagoo soo jeediyey inay dhici karto in loo dhaadhiciyo heerarka hoose ama horyaal lagala noqdo.

Hadalsame Media