Maraykanka oo ku guulaystey arrin keenaysa inay indhaha kala qaadaan dalalka ay is hayaan

0

(Hadalsame) 04 Dis 2022 – Pentagon-ka Maraykanka ayaa soo dirtay gujiska nukliyeerka ku shaqeeya ee USS West Virginia [SSBN-736] oo ay geeyeen Jasiiradda Diego Garcia ee ku taal Badwaynta Hindiya, halkaasoo ay joogtey tan tan iyo Oktoobar.

Si kastaba ha ahaatee, arrintaas lama ogaanin ilaa uu Pentagon-ku haatan ku dhawaaqay inay gujiskan SSBN-736 oo qaadi kara 20 gantaal oo ah nooca baalistigga ah ee ICBM uu bilo badan halkaa joogey.

Gujiskan ayaa ah nooca Ohai ee Ciidamada Badda Maraykanka. Ciidanka Badda ee Maraykanku waxa ay haystaan 14 oo noocan ah waxaana maraakiibta quusta ee noocan ah oo agabkooda sita loo qaabeeyey inay muddo dheer badda ku jiri karaan, iyagoo aan bannaanka usoo bixin ama aan dekedaha berriga ku xiran si ay saad usoo qaataan.

Saxafada Maraykanka ayaa sidoo kale xoojisey in howlgalkani “qarsoodi ahaa” iyadoo ay Jasiiradda Diego Garcia ay si firfircoon u isticmaalaan Ciidamada Maraykanka iyo Ingiriiska oo asal ahaan jasiiradda haystey.

Si kastaba ha ahaatee, Jaziiraddan oo ay caadiyan leedahay Mauritius, oo lagu wareejiyey  maamulka jasiirado ka tirsana iyadoo ay Maxkamadda Caalamiga ihi ku amartay UK inay wareejiyaan 2019-kii, ayaa waxay 3,221 km koonfur ka xigtaa Somalia.

YAA LAGU COOCINAYAA?

International experts suggest that the deployment of the submarine, which has traveled this long way to the island of Diego Garcia, is a demonstration of the power and capabilities of the United States. I.e. Washington has demonstrated to “potential adversaries” that it is capable of secretly deploying a ballistic missile submarine in place for an extended period.

Khubarada caalamiga ah ayaa soo jeedinaya in howlgelinta markabkan gujiska ah ee socodka masaafada dheer ah ku tegey jasiiradda Diego Garcia, ay muujinayso awoodda howlgal ee dalka Maraykanka.

Sidaa darteed, Washington waxay cududeeda si dadban u tusaysaa wax ay ku sheegeen “cadowyada suurtagalka ah” oo ay u sheegayso inay awood u leedahay in ay meel kasta si qarsoodi ah uga howlgeliso gujis sidda gantaalo baalistig iyadoo aan la ogaanin.

Dalalka uu Maraykanku sida dadban ula hadlayo ayaa lagu sheegay Ruushka ama Shiinaha, laakiin Washington ayaa sidoo kale laga yaabaa inay xitaa u digayso nidaamka dhegaha adag ee Pyongyang ee uu hoggaamiyo Kim Jong Un.

Hadalsame Media