Yaa ciyaartooyda Jarmanka faray inay afka qabsadaan ee kaddib uga baxay? – Matthaus oo xog cusub daadiyey

0

(Hadalsame) 04 Dis 2022 – Halyeeygii hore ee Xulka Jarmanka ee Lothar Matthaus ayaa dhaleeceeyey xiriirka FA-ga Jarmanka, isagoo ku andacoonaya inay ‘kooxdooda gabeen’ gaar ahana mowqifkooda ku aaddan xirashada marada ”One Love” iyo af-qabsigoodii Koobka Adduunka Qadar.

Germany ayaa tartankan kusoo galay iyagoo ka mid ah xulalka ugu cad cad koobka oo ay ku guulaysteen 2014-kii, balse tan iyo markaasi waxay ku harayeen wareega Group-yada min 2018 iyo sanadkan.

Die Manschaft ayaa guuldaro lama filaan ah waxaa 2-1 ku dhuftay Japan kulankoodii furitaanka tartanka, laakiin waxaa saxaafadda soo jiidatey inay Jarmanku ay afkooda ku dabooleen gacmohooda iyagoo ka soo horjeeda go’aankii FIFA ay ku mamnuucday calamada LGBTQ+ ee tartanka.

Matthaus ayaa haatan u sheegay Sky Sports Germany in “Oliver Bierhoff uu mas’uul ka yahay jabka gaarey xulka maadaama uu xamili kari waayey cadaadiska iyo qalalaasaha ka imaanayey banaanka”, isagoo sidoo kale eedeeyey Guddoonka DFB.

“Waxaan rajaynayey in xiriirka DFB ay si daacad ah uga hadli doonaan khaladaadkooda. Waxaan u malaynayaa in Madaxwayne Neuendorf, oo wax walba ku dhaleeceeyey Qadar kahor Koobka Adduunka aan deeto arkay isaga intii lagu jirey ciyaarta tarabuunka garoonka ag fadhiya Guddoonka FIFA ee Gianni Infantino isaga oo dhoolla caddaynaya muddo 3 daqiiqo ah,” ayuu yiri Matthaus.

“Ciyaartoyda waxay ogaadeen taas, waxaa la saaray cadaadis si ay tusaale u noqdaan una mudaaharaadaab, laakiin intaa kaddib waxay arkeen dadkii taa ka dalbanayey oo dhoolla caddaynaya kaamarada horteeda.” ayuu raaciyey.

Sidoo kale, halyeeygii Xulka Die Manschaft ee Michael Ballack, ayaa Jarmanka ugu baaqay inay iska daayaan ajendayaasha ka baxsan ciyaarta.

“Si aan dib ugu kasbanno xushmaddii naga luntay, waa inaan kubadda uun diiradda saarnaa oo iska dhaafnaa waxyaabaha kale.” Ayuu soo jeediyey Michael Ballack.

Hadalsame Media

Facebook Comments