WAR CUSUB: Juve oo lagu helay lacagtii ugu horreeysey oo aan la xisaab-xirin (Waa imisa milyan?)

0

(Roma) 29 Nof 2022 – Xiriirka Talyaaniga ayaa go’aansaday in uu furo baaritaan rasmi ah oo ku saabsan eedaymaha ku xiriirsan in Juventus ay si qarsoodi ah u bixinaysey mushaarka ciyaartoyda intii lagu jirey marxaladihii hore ee cudurka COVID-19.

Haatanna, sida ay sheegayaan wararka uu qorayo La Republica maanta, Guardia di Finanza oo ah Booliiska Maaliyadda Talyaaniga, ayaa sii wada hubinta iyo baarista waraaqaha kala duwan ee la xiriira miisaaniyadda Juventus ee mugdigu ku jiro.

Sida laga soo xigteyna waxa lasoo wariyey, dayn kale oo ah 34 milyan oo Euro ah, taasoo aan miisaaniyad ahaan loogu soo bandhigin buugga xisaab-xirka kooxda Juventus.

Baarista ayaa sii socon doonta.

Hadalsame Media