South Korea oo diyaarado kicisay kaddib markii ay hawadeeda soo galeen Ruush & Shiine wada socda

0

(Seoul) 30 Nof 2022 – Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay inay kicisay diyaaradaha dagaalka kaddib markii diyaaradaha dagaalka ee Shiinaha iyo Ruushku ay soo galeen aagga aqoonsiga difaaca hawada ee (KADIZ) subaxnimadii Arbacadan.

Laba duqeeye istiraatijiyadeed oo Shiinees ah oo nooca H-6 ah ayaa si isdaba joog ah usoo galay misna ka baxay aagga KADIZ meel ka baxsan xeebaha koonfurta iyo woqooyi-bari ee Kuuriyada Koonfureed laga bilaabo 5:50 subaxnimo waqtiga maxalliga ah, ayuu sheegay Abaanduulka Guud (JCS) ee Seoul.

Ha yeeshee, dhowr saacadood kaddib, waxaa soo dhigtay diyaaradaha Shiinaha oo kusoo laabtay Badda Japan (Kuuriya waxaa looga yaqaan Badda Bari) gaar ahaan gasiiradda Ulleung iyada oo ay markan la socdaan lix diyaaradaha dagaalka Ruushka ah, kuwaasoo ay ku jiraan nooca TU-95 ee duqaymaha istiraatijiyadeed iyo diyaaradaha dagaalka ee SU-35, ayay raacisay.

Seoul waxa ay sheegtay in ay hawada gelisey diyaaradaheeda dagaalka ee F-15K si ay xeelad dagaal ahaan uga hortagto xaalad isku dhac oo iman karta.

Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo Shiinuhu kumasoo xadgudbin hawada Kuuriyada Koonfureed balse waxay kaliya yimaadeen aag-horaadka laga ilaaliyo, sida uu  ku nuuxnuuxsaday Abaanduulka JCS.

Hadalsame Media