”Salmaan waa la diley weliba iyada oo la duubayo” – Aabe Soomaali ah oo ka hadlay qiso xanuun badan (Daawo)

0

(Stockholm) 29 Nof 2022 – Barnaamijka P1-dokumentären ee lagu magacaabo ”Vi som dör”, ayaa soo qaatay sheekada wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Salmaan Maxamuud Kullane oo Sweden ay ku dileen kooxaha gaangiska ah weliba si arxandarro ah oo la duubayo.

Aabaha wiilka ayaa markii ugu horreeysey ka sheekeeyey qisada xanuunka badan ee wiilkiisa oo uu sheegay inuu marar badan uga digey wiilkiisa inay marka dambe naftiisa u qoonsan doonaan kooxahani.

Wuxuu sheegay Maxamuud, inuu go’aansaday inuu wiilkiisa geeyo Soomaaliya markii ugu horraysey 2018. Laakin waxyar kaddib uu fahmey in wiilku uu sii waday xiriirkii uu la lahaa kooxaha burcadda ah.

”Lacag bay u direen. Waxayna ogaayeen in mar uun dhowaa ama dheeraa uu ku soo laaban doono Sweden isagoo u qaamaysan,” ayuu yiri Maxamuud Kullane oo ay sidoo kale soo xigatey Aftonbladet.

Lix bilood kaddib, Salmaan wuxuu si lama filaan ah oo deg deg ah ugu duulay Sweden isagoo kaligiis ah – isagoo ku socda tigidh ay gaangisku ​​ka bixiyeen, balse mar kale waxaa bilowday dadaal uu Maxamuud ku doonayo in uu wiilkiisa uga saaro dambiilayaasha.

”Waxaan isku dayey si kasta oo suurtagal ah si aan u qanciyo, si aan ugu helo shaqo. Waxaan helay shaqo bakhaar, laakiin ma ay shaqayn. Waxa jirey xoogag iga waawayn.” ayuu ku yirii dokumentaarka.

Aabaha ayaa sheegay in markii wiilkiisa la dilayey oo ahayd 2020 uu ku xayirnaa Muqdisho cudurka karoonaha dartii, balse uu wiil kale oo uu dhalay uu soo wacay isagoo ku wargeliyey in Salmaan si xun loo dhaawawacay oo uu yaallo qaybta daryeelka Deg Degga ah mid ka kici doonana uusan u ekayn, todobaad kaddibna waa dhintay.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media