RASMI: Xiriirka Talyaaniga oo furay baaris ka dhan kooxda Juventus & Waxa ay mudan karto

0

(Roma) 29 Nof 2022 – Xiriirka Talyaaniga ayaa go’aansaday in uu furo baaritaan rasmi ah oo ku saabsan eedaymaha ah in Juventus ay si qarsoodi ah u bixinaysey mushaarka ciyaartoyda intii lagu jirey marxaladihii hore ee cudurka COVID-19.

Bianconeri ayaa horayba baxar ugu jirtey maadaama lagu eedeeyey inay cayiliyeen qiimaha wax soo iibsiga ama sii iibinta ciyaartoyda si ay uga caawiso isku dheellitirka dakhliga iyo kharashka, laakiin waxaa la sheegay inaysan wax dembi ah lahayn bishii Abriil ee sanadkan.

Si kastaba ha ahaatee, soo jeedinta eed ku saabsan in Juventus ay ka been sheegtay joojinta mushaharka ciyaartoyda bilihii hore ee cudurka COVID-19 ilaa 2020, iyadoo lagu eedeeyey inay lacag ku siin jirtey ciyaartoydeeda miiska hoostiisa, ayaa ah khalad maaliyadeed oo culus.

Sida laga soo xigtey Sportface, Dacwad Oogaha Xiriirka FIGC ayaa hadda furay baaritaan rasmi ah oo ku saabsan Juventus iyadoo dib loo eegayo mushaar kasta oo qarsoon oo la siiyey ciyaaryahannada, taasoo keeni karta inay dhibaato wayn iyo ganaax la kulmaan.

Marka loo eego qodobka No.31 ee Xeerka Caddaaladda Ciyaaraha, ‘been-abuurka xisaabaadka ama dokumentiyada maamulka ama wax kasta oo sharci darro ah ama dhaqdhaqaaqyo qarsoodi ah’ oo keeni kara in kooxdu isugu  diiwaangeliso xilli-ciyaareedka Serie A qaabkaa been abuurka ah ayaa waxay sababi kartaa in dhibco laga jarto ama xitaa heerarka hoose loo celiyo.

Guddoomiyaha Andrea Agnelli iyo maamulka sare ee Juventus ayaa si lama filaan ah isku casilay Isniintii, xaaladdan ayaana u muuqata sababta keentay tillaabadaas.

Hadalsame Media