KASHIFAAD: NATO oo wadda qorshe ay diyaarado dagaal ku siinayso Ukraine (Noocyada?)

0

(Hadalsame) 29 Nof 2022 – Hogaamiyayaasha NATO ayaa ka fiirsanaya suurtagalnimada inay Ukraine siiyaan diyaarado dagaal oo casri ah, sida uu James Stavridis, oo taliye sare ka ahaan jirey isbahaysiga haatan se howlgab ah sidoo kalana Admiral ka gaarey Ciidamada Badda ee Maraykanka, sida lagu sheegay qoraal uu daabacay Bloomberg maanta.

Sida laga soo xigtey Stavridis, NATO waxay siin kartaa diyaaradaha dagaalka sida MiG-29-kii Soviet-ka, kuwaas oo hadda laga isticmaalo dalka Poland iyo qaar kale, iyo sidoo kale F-16-ka Maraykanka, oo uu ku tilmaamay “kuwo si fudud lagu baran karo doorar badanna leh.”

Admiral-kan howlgabka ah ayaa sidoo kale soo jeediyey in reer Galbeedku ay ugu dambayntii ku khasbi doonaan Madaxwaynaha Ukraine ee Vladimir Zelensky inuu codsado in gacan laga siiyo xiritaanka hawada dalkiisa, si loo siiyo gantaalaha cirka iyo sidoo kale kuwa Iron Dome ee Israel samayso oo lagu daray baytariyada Patriot ee NATO.

Inkastoo Stavridis uusan daaha ka qaadin isha xogtiisa, qoraalkiisa ayaa la daabacay isla maalintii ay wasiirrada arrimaha dibedda ee NATO ku shireen caasimadda Romania ee Bucharest, si ay uga wada hadlaan caawinta mustaqbalka ee Kiev oo dagaal furan kula jirta Moscow.

Hadalsame Media