Taageere Maraykan ah oo garoonka khasab looga saaray & Waxa uu sameeyey + Sawirro

0

(Dooxa) 29 Nof 2022 – Waxaa haatan dhamaad ku dhow ciyaarta Maraykanka iyo Iran oo ah laba dal oo aan isku fiicnayn balse isku guruub noqday.

Yeelkeede, taageere Maraykan ah oo ciyaartan daawanayey ayaa soo xirtey calamada qaanso-roobaadka.

Ninkan oo howl is muujin ah ku jirey ayaa waxaa markiiba la kacay nidaamiyayaasha tartanka iyo ciidamada ammaanka oo ka saaray gegada kahor ciyaarta Iran vs USA.

Dowladda Qadar ayaa horay u sheegtay in aan calamada qaanso-roobaadka laga ogolayn garoomada ciyaaraha adduunka, waxayna iska dhega tirtay cadaadis kaga imanayey Galbeedka.

Xalay oo ugu dambaysey waxaa garoonka soo galay nin u dhashay Talyaaniga oo sitey calanka qaanso-roobaadka waxaana la sheegay in lasii daayey markii dambe.

Hadalsame Media