LA YAAB: Hoteelka la weeraray imisa mitir ayuu u jiraa Xafiiska Madaxwaynaha? (Arrin naadir ah)

0

(Muqdisho) 28 Nof 2022 – HOTEL VILLA ROSA XAGGEE KU YAALLAA?

Dad badan baa is weydiinaya halka uu ku yaal VILA ROSA ee xaley la weerarey, marka hore waa hotel dhawaan la dhisey

Hotel Villa Rossa wuxuu ku yaallaa xayndaabka Madaxtooyada Villa Somalia, marka la eego ammaan ahaan.

Marka aad ka tagto Tiyaatarka Qaranka oo aad u dhaqaaqdid dhnaca Madaxtooyada ee aad gaarto dalcadda oo wax yarna aad dhaaftid Wasaarada Ganacsiga waxaa kuu muuqanaya Derbiga Madaxtooyada.

Kaddib waxaad u leexanaysaa dhanka wado yar oo laami ah halkaas ayuu ku yaal Hoteelku.

Inta aanad gaarin, waxaad maraysaa koontoroollo badan, sidoo kale Xafiiska Madaxwaynaha DF Somalia iyo Xarunta Golaha Shacabka wuxuu hoteelkani u jiraa wax ka yar 400 oo Tallaabo.

Waxaa kale oo u dhow Safaaradda Jabuuti iyo Godka Jilacow.

Muddo-xileedkii hore ee MW Xasan Sheekh ayaa sidoo kale 2 jeer la weeraray Madaxtooyada waana Madaxwaynaha qura ee ay taasi dhacday inta uu xilka hayey.

W; Q: Amiin Y. Khasaaro

Hadalsame Media