5 khalad oo XIRFADEED oo ku jira sharciga uu muranka badani ka taagan yahay ee JINSIGA

0

(Hadalsame) 28 Nof 2022 – Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo ah Guddoomiye Xigeenka Baarlamanka ayaa waxaa kasoo baxay hadallo gef ku ah dhaqanka iyo diinta iyadoo ku doodaysa gaalada la aadayo oo la gaaloobayo haddii aan la ansixin ”sharciga jinsiga”, taasoo aan ku haboonayn qof haya xilka ummad Muslim ah, waloow uusan qofna diiddanayn in la ciqaabo qofkii dembi jinsi ah gala oo ay diinteennuba sidaa qabto, weliba ciqaabta ugu daran.

Haddaba, imisa xeer-jebin ayaa ku jira hadalka Sacdiy Samatar oo meel ay ka hadlaysey ka sheegtay hadallo badan oo aan is waafaqsanayn oo qaab dafalaqsi ah u taabanaya mawaadiic kala geddisan.

1OLOLAYN – Sacdiya waxay ka tirsan Guddoonka Baarlamanka oo ay Ku Xigeen ka tahay, sideedana shaqada cayiman ee Guddoonka Baarlamanka marna kuma jirto inuu u qareemo, u ololeeyo ama u qalqaalo tago hindise-sharci sidoo kale intaa cagsigoodana ma samayn karo, ha ahaado mid uu isagu rabo ama diiddan yahay intaba. Waa xildhibaanad balse waxaa ka sarreeya xilka Guddoonka.

2QAYRUL QAANUUN – Dastuurka dalka waxaa ku jira qodob dhigaya in aan baarlamanka la keeni karin ama aan dastuurka lagu dari karin wax khilaafsan Shareecada Islaamka. Sidaa darteed, haddii uu hindisahan sharci uu khilaafsan yahay diinta Islaamka dastuurina noqon maayo.

3 SU’AAL CAQIIDI AH – Waxaa hadallada aan fan-hadalka iyo xirfadda lagu darin oo ay meesha ka tiri ku jirta ”waa la gaaloobayaa iyo gaalada ayaa la aadayaa”, kuwaasina marka laga soo tago inay dileen qiilkii ay xitaa xeerkan ugu qalqaalo tegi lahayd, misna wuxuu furayaa dood caqiidi ah oo fasiraad ayaa looga baahan yahay waxa ay ula jeeddo kelmadahaas.

4GOODDIN – Guddoon Xigeenka oo u muuqatey inay ilowdey inay tahay qof haya xil ummadeed ayaa iyada oo aan warkeedii horeba dhamaynin waxay iska gashay u hanjabidda dad meelo kale jooga, taasina marka laga soo tago inaysan ahayn howshii ay geli lahayd misna waa wax u eg qof xilkii dowladda dad ashkhaas ah qaab rakaatayn ah ugu adeegsanaysa. Sida iyadoo leh ”haddii aad sharcigan diiddaan waxaan idinku dacwaynaynaa dalalkiinna” waana khalad wayn.

5GEEDDI SOCOD QABYO AH – Sharcigan oo sida muuqata si xun loo weereeyey amaba aad mooddoo in Google lagu tarjumey, waxaa fiican in horta loo geeyey culimo iyo sharcu yaqaan, sidoo kale waa in lagu sii daro qodobbo sharraxaya inaan la ogolayn sinada iyo Qoowmu-Luudnimada, waayo haddii uu qofku ogol yahay xitaa haddii la isla garto in taasi sharci ahaan aysan falkii kufsi ka dhigaynin, waxaa sidoo kale loo baahan yahay in lagu daro inaan sino la ogolayn xitaa haddii la isla ogol yahay waana meesha sharcigu ka cilladaysan yahay.

Tan kale, sharcigu ma wax ay dalal kale iyo ururro hoosta ka riixayaan baa mise waa wax ka tarjumaya rabitaanka iyo duruufaha ummadda? Ma wuxuu waafaqsan yahay dhaqanka ummadda mise waa mid aysan samaysteen quruumo qalaad oo lasoo waaridey?

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media