Ciyaarta Brazil iyo Switzerland oo wax yar istaagtey iyo waxa dhacay (Daawo)

0

(Dooxa) 28 Nof 2022 – Ciyaarta koobka aduunka ee Brazil iyo Switzerland ayaa muddo kooban hakad gashay kahor inta aan la aadin qaybta nasashada kaddib markii nalka garoonku uu damey taasoo mugdi gelisey garoonka.

Arrintan la yaabka leh ayaa dhacday wax yar kahor nasashada, xilli ay Brazil isku diyaarinaysey inay koorno soo qaaddo si ay wax uga bedelaan ismari waaga  ciyaarta oo ka socta garoonka 974.

Balse iyadoo laad-geeska la isku diyaarinayo in la qaado, ayaa waxaa mar qura wada damey afartii nal ee waawaynaa ee garoonka, taas oo keentay in ciyaartoydu ay yaabaan, halka garsooruhu uu ku dedaalayey sidii uu u ogaan lahaa waxa dhacaya.

Nasiib wanaag, nalalka ayaa dib u shidmay in ka yar 10 ilbiriqsi kaddib, taas oo saamaxdey in ciyaartu ay dib u bilaabato iyada oo aan waqti badani lumin.

Hadalsame Media