DAAWO: Min inay metelaan dal cunsuri ah, inay magaca Iran khalad ugu dhawaaqaan ilaa doodo ku saabsan siyaasad (Maxaa kala qabsaday saxaafadda Iran iyo xulka Maraykanka?)

0

(Dooxa) 28 Nof 2022 – Tababaraha Maraykanka ee Gregg Berhalter iyo kabtankiisa Tyler Adams ayaa su’aalo badan oo siyaasadaysan iyo warxumo kala kulmay weriyeyaasha Iran kuwaasoo u muuqdey kuwo aan dan ka lahayn ka hadalka ciyaarta lagu wado inay habeen dambe ka dhacdo garoonka Al Thumama ee dalka Qadar ee labadan dal.

Su’aashii ugu horraysey ee wariye Iiraani ah ayaa islamarkiiba gogol xaar u noqotay wax noqday kulan ciyaarta la sugayaba ka adag ayaa u dhacday sidatan:

”Immisa ayaa boqolkiiba dadka adduunka ku farxi doona haddii Iran ay ku guulaysato ciyaartan [oo ay ka adkaato xulka qaranka Maraykanka (USMNT)?’ Taasoo tababaraha ku khasabtay inuu isku dayo inuu xaaladda dejiyo isagoo u sheegay inay iyaga ciyaar uun u tahay waxay ay Iran ku wajahayaan, balse xaalad dejinta tababaruhu ma shaqaynin.

Daqiiqado kadib, wariye ka tirsan Press TV – oo ah hay’ad afka Dolwadda Iran ku hadasha oo afka Ingiriisiga wax ku baahisa – ayaa yiri: ‘Marka hore waxaad sheegtay inaad taageersan tahay dadka Iran, laakiin waxaad magaca waddankeenna ugu dhawaaqaysaa si khaldan. Waddankeennu waa Iran ee ma aha “aye-ran”…

Midda labaad, ma caadi ayay kula tahay inaad matasho waddankaaga uu ka jiro takoorka badan ee lagu hayo dadka madow ee dalkaa jooga? ayuu si far fiiq ah u waydiiyey.

Adams, oo ay hooyadii tahay caddaan Maraykan ah, balse aabbihii dhalay uu yahay Afrikaan-Maraykan, ayaa si niyadsami leh ugu jawaabey: ‘Raali-gelin ayaan ka bixinayaa sida loogu dhawaaqayo magaca waddankaaga. Dhanka cunsuriyadda, meel kasta oo aad tagto waxaa ka jira takoorid…Maraykanka waxaan sii wadaynaa inaan horumar samayno maalin kasta… ilaa iyo inta aad horumar samaynayso taas ayaa muhim ah.’ ayuu yiri.

Saxafiyiinta kale ayaa dhankooda isku dayay in ay wadahadalka dib ugu soo celiyaan isku dhaca garoonka dhexdiisa, iyadoo mid ka mid ah weriyaasha Mareykanka uu sheegay inuu damacsanaa inuu weydiiyo ‘su’aal kubbadda cagta’ si uu u bixiyo nasasho kooban.

Weriye kale oo ka socda warbaahinta Iran ayaa islamarkiiba sii anbaqaaday dooddii siyaasadda, iyagoo waydiinaya: ‘Ciyaartu waa wax ay tahay in la iskugu soo dhaweeyo ummadaha, adiguna waxaad tahay qof ciyaareed. Maxaad haddaba u wayddiin wayday in aad dawladdaadu ay maraakiibteeda millateri ka qaadato gacanka Beershiya?

Xulka Maraykanka ayaa si kastaba isku dayey inuusan gelin doodo siyaasadeed ama wax muranka sii xoojin kara.

Hadalsame Media