Dal laacib kasta u ballanqaaday gaariga qaaliga ah ee Rolls Royce haddii ay soo baxaan + Sawirro

0

(Dooxa) 27 Nof 2022 – Waxaa dalka Qadar si wanaagsan uga soconaya Koobka Adduunka oo markii ugu horreeysey taariikhda lagu qabanayo dal Islaam ah, waxaana durba wareegga labaad usoo baxay dalka Faransiiska, si ka duwan seddaxdii koob ee ugu dambeeyey ee ay guruubka ku harayeen dalalka koobka difaacanaya.

Dalka Sucuudi Carabiya ayaa ciyaar qurxoon soo bandhigtay ciyaarteedii furitaanka Koobka Adduunka ee ay la ciyaareen Argentina oo ay 2-1 uga adkaadeen si weliba lama filaan ah.

Waxaa hadda hadiyad aad u qaali ah u ballanqaaday dhaxal-sugaha dalkaasi, Mohammed bin Salman al Saud, kaasoo mid kasta oo ka mid ah 26-ka ciyaaryahan ee uu hogaamiyo tababare Renard siinaya gaari qaali ah oo ah Rolls Royce Phantom.

Baabuurkan Ingiriisku sanceeyo oo ah nooca raaxada ah ee aadka qaaliga u ah islamarkaana ku xoog ah 600 oo faras ayaa marka la isku wada duuboo waxa lacagta ay dhammaan ku kacayaan lagu qiyaasay ku dhowaad 13 milyan oo Doollar.

Nasiib xumo, Sucuudiga oo ahayd inay shalay badiyaan taasi ma dhicin oo waxaa garaacday Poland, waloow uu nasiibku ka hiilliyey oo aanay ciyaar xumayn, inay soo baxaanna waxay haatan uga xiran tahay Mexico oo ay garaacaan ama barbarro geliyaan, balse Poland ama Argentina mid la garaaco.

Hadalsame Media