Gabar ku dhiman gaartey dawooyin la isku ”cayiliyo” oo aad looga qaato Somalia + Nooca (Daawo)

0

(Garoowe) 27 Nof 2022 – Maryama Axlaam, oo ah gabar ku nool Soomaaliya, ayaa waxay qaadatay dawooyin ay u malaynaysey inay jirkeeda ka dhigayso mid soo jiidasho leh, balse taa badalkeeda caafimaadkeedii ayay dhaawacday.

Maryama oo ku nool magaalada Garoowe, ayaa waxay ka cabanaysaa waxyeello ka gaartey dawooyin ay iyadu iska qaadatay oo kala ah Apetamin iyo Dexamethasone oo ay u qaadatay ujeeddooyin aan waafaqsanayn kuwii loo sameeyey.

Apetamin oo ah dawo loogu tala galay inay uumitada qofka u furto oo uu cuntada qaato, ayaa ka mamnuuc ah dalal badan, balse dalal Afrikaan ah oo aan nidaamin iyo tayo-dhowr lahayn sida Somalia oo kale waxaa si sahlan looga iibsan karaan farmashiyaasha.

Kaaga darane, gabadhan ayaa sheegtay inay doonaysey inay u ekaato gabdho Soomaali ah oo beryihii dambe jirkooda kusoo bandhiga baraha bulshada siiba Tik Tok, taasoo ah dhaqan sirgaxan oo ummadda ku cusub.

”Waxaa la igu yiri cayilka ayay ka shidan tahay, gabdhaha caatada ahna cudur ayay qabaan, taasoo ah farriin ay gabdhuhu is wada gaarsiiyeen.” ayay tiri Maryama.

Yeelkeede, Maryama waxay sheegtay in dawooyinkii ay iska qaadatay ay kala kulantay jirrooyin nafsi ah iyo kuwo jireed, waloow ay markii hore ka heshay wixii ay raadinaysey oo ah inay cayisho iyadoo ay fuuleen 12 KG oo culays ah.

Waxaase xigtey inay caloosha ka bararto, laga helo cudur naadir ah, ay wareerto, indheheedu ay wax arki waayaan, difaaceedu uu hoos u dhaco, maadaama uu Vitamin D-gu yaraanayo lafahii ayaa xitaa tabar yaraynaya.

Hadalsame Media