Baarlamanka DF oo waxyaabo badan iska saxiixa oo ay su’aalo adagi hor yaallaan

0

(Hadalsame) 27 Nof 2022 – Bartamihii Oktoobar, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa safar aan ujeedkiisa si toos ah bulshada loogu sheegin ku tegey magaalada The Hague oo ay deggan yihiin hay’ado badan oo ka tirsan Dowladda Netherlands iyo kuwo caalami ah.

Intii uu halkaa joogey wuxuu Madoobe kulan la qaatay haweenayda Vera Bergkamp, oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaasi, taasoo sidoo kale ah haweenka haweenka kale ku falaada islamarkaana weliba si furan ugu ololaysa arrimahaasi, wuxuuna saxiixay dokumenti aan dadwaynaha loo sheegin.

Haatan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo ah Guddoomiye Xigeenka Baarlamanka ayaa waxaa kasoo baxay hadallo gef ku ah dhaqanka iyo diinta iyadoo ku doodaysa gaalada la aadayo oo la gaaloobayo haddii aan la ansixin ”sharciga jinsiga”, taasoo aan ku haboonayn qof haya xilka ummad Muslim ah, waloow uusan qofna diiddanayn in la ciqaabo qofkii dembi jinsi ah gala oo ay diinteennuba sidaa qabto.

Haddaba, Guddoonka Baarlamanka oo haatan isku soo jeediyey shacabka waxaa laga doonayaan inay ka jawaabaan su’aalahan:

Sharciga kufsiga ma qaylo Soomaalida ka soo yeertay ayaa keentay in la qoro? Xogta lagu saleeyey Soomaaliya miyaa laga uruuriyey?

Ma waxaa jira cadaadis ka yimi dumarka Soomaaliyeed, warbaahinta, ciidanka nabadgelyada iyo garsoorka oo khasbaya in sharcigan la qoro?

Ma in la qoro oo la ansixiyo keliya ayaa la rabaa mise in la dhaqangeliyo? Haddii la dhaqangelinayo, qaybaha bulshada iyo dawladda ee dhaqangelintu ku xiran tahay qayb ma ka ahaayeen qoritaankiisa?

Taariikhdeenna dawladnimo ma lagu hayaa sharci laga ansixiyey baarlamaanka oo bulshada u daadegey oo la aqbalay, la bartay lana dhaqangeliyey?

Waddammada ansixiyey xeerka kufsiga ma ka yaraaday kufsigii? Hadday bataan sharciyada dibedda nooga yimaada, oo Af Soomaali loo turjumo, oo baarlmaankeennu ansixiyo isagoon baahi iyo cadaadis bulsho ku iman taasi ma dhaawici kartaa sumcadda baarlamaanka?

Diinta iyo dhaqanka Soomaalida kufsigu waa ku qalad iyo dembi ciqaab leh. Ma labadaasaa wax tari waayey oo loo baahday in sharci cusub la qoro oo waa la hubaa inuu dhibaato aan diintu xallin uu xallin doono?

W; Q: Cabdulqaadir Diiriye & Maxamed Xaaji

Hadalsame Media