Waa ayo haweenayda uu Baarlamanku “Marwo” ku sheegay ee uu la kulmay Gud. Madoobe? (Arag caddaymahan)

0

(Hague) 14 Okt 2022 – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa safar aan ujeedkiisa si toos ah bulshada loogu sheegin ku tegey magaalada The Hague oo ay deggan yihiin hay’ado badan oo ka tirsan Dowladda Netherlands iyo kuwo caalami ah.

Intii uu halkaa joogey wuxuu Madoobe kulan la qaatay haweenayda Vera Bergkamp, oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaasi, taasoo ah haweenka haweenka kale ku falaada islamarkaana weliba si furan ugu ololaysa arrimahaasi.

Sida lagu sheegay qoraal lasoo dhigay bogga Baarlamanka DF Somalia, kulankan ayay labadoodu isku dhaafsadeen adkaynta xiriirka labada baarlamaan, iyo isdhaafsiga aqoonta ee la xirirta xildhibaannadda iyo howlwadeennada, sida la yiri.

Tan ugu darani waxay tahay in qoraalka kasoo dhanka Baarlamanku uu haweenaydan siiyey maqaamka ”Marwo” oo la siiyo qofka xaaska ah, balse haweenaydani nin ma qabo ninna waxba kuma darsato.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Sheekh Aadan Madoobe, oo Netherlands wax kusoo saxiixay, ayaa safar kale oo xaluulasho ah ku tegey magaalada Vienna, Austria.

Waloow safarka la shaaciyey markii ay ka war heshay warbaahinta maxalliga ah, wuxuuna halkaa kula kulmay dhiggiisa Baarlamanka Austria, Wolfgang Sobotka.

Safarrada noocan ah ayaa inta badan la dareensan yahay inay salka ku hayaan shuruuc muran dhalis ah oo marar badan laga dhawaajiyey iyadoo hagaajinta xiriirka labada dal iyo wax ka qabashada abaaruhu aysan howl u taal guddoon baarlamaan.

Hadalsame Media