Arrin uu xalay sameeyey laacib ka tirsan Xulka Maraykanka oo lagu tilmaamay mid ”yaqyaqsi” leh (Daawo)

0

(Dooxa) 26 Nof 2022 – Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Maraykanka iyo Juventus, Weston McKennie, ayaa indhaha dunida soo jiitey intii lagu jirey qaybta hore ee ciyaartii xalay ee Ingiriiska iyo Maraykanka, taasoo ka yaabisay taageerayaasha kubada cagta oo si yaab leh uga fal-celiyey baraha bulshada.

Intii lagu guda jirey ciyaartii Maraykanka ee gool la’aanta ahayd ee ay la lahaayeen England, McKennie ayaa wuxuu u gudbey meeshii uu fadhiyey nin sawir qaade ah kahor inta uusan gacmaha ku qallajisan ama ku tirtiran jaakaddiisa khafiifka ah si uu foore gacan u tuurto.

Arrintan la yaabka lahayd ayaa u muuqatey mid ka yaabisay sawir qaadaha oo ahaa nin oday ah halka mid ka mid ah asxaabtiisu uu u eegayey si af kala qaad leh.

Dad badan ayaa falkan baraha bulshada uga fal-celiyey iyadoo ay qaarkood ku doodeen inay muujinayso kibirka nacasnimada ku dhisan ee Maraykanka iyagoo ku tilmaamay fal ”yaqyaqsi” leh.

Hadalsame Media