Elon Musk oo diiradda ku haya Ilhaan Cumar (Magacyada koontooyin la xiri rabo)

0

(Hadalsame) 26 Nof 2022 – Tan iyo markii uu maalqabeenka Elon Musk uu iibsadey degelka Twitter, waxaa soo kordhayey tillaabooyin hal dhinac ah oo uu qaadayey ninkan.

Dadka qaar oo ay ku jiraan dad caan ah, sida jilayaal, gayfanayaal iwm, ayaa xitaa iska xirey koontooyinkoodii iyagoo ku doodaya in Musk uu haatan Twitter u rogey meel u furan qofkii ay isaga isku fiican yihiin ama aan halis ku ahayn oo qura.

Nick Martin oo ka tirsan The Informant, ayaa haatan soo bandhigay magacyada dad uu ku xitaa ku jiro MW Maraykanka iyo Ilhaan Cumar oo koontooyinkooda la xannibayo iyagoo ku eedaysan inay ka tirsan yihiin ANTIFA oo ah dhaqdhaqaaq ka horjeeda siyaasadaha midigta ah iyo qolyaha cunsuriga ah.

Waxaa magacyada lasoo bandhigay sidoo kale Ilhaan kula jirta Alexandria Ocasio-Cortez oo Degmada 14-aad ee New York ku metesha Aqalka Wakiillada ee Koongarayska iyo jilaaga iyo maadyahanka Daniel Michael DeVito Jr.

Hadalsame Media