Dugsigii ugu horreeyey ee farsamada gacanta oo Beledwayn laga dhisay (Dugsi beeraha lagu barto & machad kalluumaysi oo ku xiga?)

0

(Beledwayne) 24 Nof 2022 – Waxaa la dhamaystiray Dugsi Farsamo oo ay Xukuumaddii Khayrre ka dhagax dhigtay magaalada Beledwayne 9-kii Sebt 2019-kii.

Dhismaha oo soconayey 3 sano ayaa ugu dambayn guulaystey waxaana uu noqon doonaa dugsi farsamo gacmeed (Pollytechnich) midkii ugu horreeyey ee dalka laga hirgeliyo kaddib burburkii.

Waxaa xilligaa dhagax dhigay Goodax Barre iyo MW hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Waxaa sidoo kale barnaamijkan qayb ka ah dugsi lagu barto beeraha oo laga dhisayo Degmada Balcad iyo Machadka Kalluumaysiga ee Cadale, kuwaasoo la rajaynayo  dhamaystirkooda, sida uu sheegay Waare.

Hadalsame Media