Brazil oo la hardamaya arrin yara qamiirinaysa guushii qurxoonayd ee xalaytoole

0

(Hadalsame) 25 Nof 2022 – Xulka Qaranka Brazil ayaa guul ku bilowday Koobka Adduunka ee ka socda dalka Qadar kaddib markii ay guul ka gaareen Serbia iyadoo uu durba kasoo baxay xidig u tartamaya gool dhalinta Koobka Aduunka oo ah Richarlison, laakiin waxay haatan ku dhididayaan xaaladda Neymar kaddib markii uu dhaawac ka soo gaarey canqowga.

Selecao oo raadinaya koobkoodii lixaad ee Koobka Adduunka, ayaa si gaar ah wacdaro uga dhigay qaybtii dambe oo ay 2-0 kaga badiyeen Serbian ciyaar ka dhacday Lusail Stadium habeenkii Khamiistii xalay.

Labo gool oo uu dhaliyey weeraryahanka Tottenham Hotspur Richarlison – oo uu ku jiro gool labaad oo labaaley ah – ayaa ku filnaaday inay helaan dhibcaha muhimka ah ee ciyaarta, inkastoo Neymar oo baxay 11 daqiiqo markii ay ka dhimanayd waqtigii caadiga ahaa ay natiijada qurxoonayd yara xumaysay.

Xiddigga ayaa la arkayey isaga oo hitinaya kaddib markii uu taako la helay xiddigga Serbia ee Nikola Milenkovic, waxana uu u muuqday mid qiiraysan isaga oo ay u tacsiyaynayeen asxaabtiisii fadhidey kursiga kaydka.

Sawirrada ayaa sidoo kale muujinaya barar muuqda canqowga Neymar, taasoo sii kicisay cabsida laga qabo taam ahaanshihiisa inta ka harsan tartankan.

Si kastaba, dhaqtarka xulka Brazil ee Rodrigo Lasmar ayaa ciyaarta kaddib sheegay inay weli goor hore tahay in la qiimeeyo darnaanta dhaawaca Neymar, isagoo xusay in la sugo 24 ilaa 48 saacadood si loo sameeyo qiimayn wanaagsan.

Hadalsame Media