Arrin uu Rudiger galabta sameeyey oo ay Jarmanku xitaa ku dhaliileen (Daawo)

0

(Hadalsame) 23 Nof 2022 – Didi Hamann ayaa weeraray daafaca Antonio Rudiger oo uu ku eedeeyey inuu ‘ixtimaam-la’aan kula dhaqmay Takuma Asano intii lagu guda jirey ciyaartii Jarmanku ay la yeesheen Japan galabnimadii maanta.

Rudiger ayaa lagu eedeeyey inuu qaab ‘maadsi’ oo kale ah ula dhaqmay Asano isagoo kubadda u cayrsanayey sidii faras barxaya.  Rudiger ayaa sidoo kale la arkay isagoo qoslaya islamarkiiba dhacdada kaddib.

Si kastaba ha ahaatee, Hamann ayaa sheegay in “hadda ay jirto hal koox oo kaligeed qoslaysa” kaddib markii ay Japan 2-1 ku garaacday Germany kulankoodii furitaanka Group E.

Isaga oo ka hadlaya falkii daaficii hore ee Chelsea, Hamann waxa uu yiri: “Rudiger waxa uu kor u qaadayey lugihiisa. Uma dhayalsan kartid kooxda aad la ciyaarayso (sidaa oo kale) sababtoo ah way kugu soo noqon kartaa marxaladaha qaar.”

“Waxaan u malaynayaa inuu ahaa dhaqan aan xirfadlennimo lahayn. Waxaan u malaynayaa inay ka baxsanayd nidaamka. Kibir ayaa ka muuqdey wuuna qoslay, hadda se waxaa jirta hal koox oo qoslaysa (Japan).” Ayuu raaciyey Hamann oo Jarmanka u dheeli jirey.

Warbaahinta Jarmanka iyo kuwa kale ayaa laftoodu dhaliilay dhaqanka laacibkan asal Siera Leone-ka ah.


Hadalsame Media