Man United oo jidka u taagan iibsadayaasha Liverpool (Arrin ay gacan sare ku leedahay)

0

(Hadalsame) 23 Nof 2022 – Manchester United ayaa waxa ay kalsooni ku qabtaa inay ka dulqaadi karaan iibsadeyaasha ay dhici karto inay doonayaan kooxda ay aadka u xafiiltamaan ee Liverpool taas oo la filayo inay noqoto dagaal dhanka gorgorada ah.

Jariidadda Sportsmail ayaa waxay fahansan tahay in dadka sida dhow ula socda arrimahani ay dareemayaan in United ay kasoo jiidasho badan tahay marka loo eego cadawgooda qadiimiga ah maadaama ay leedahay suuq caalami ah oo heer sare ah.

Haddii ay haatan suuqa lasoo galaam Liverpool, waxay rumaysan yihiin in magacyada maaliyadeed ee ugu wayn suuqu ay xiisahooda u jeedin doonaan Old Trafford halkii ay ka iibsan lahaayeen kooxda Anfield.

Horraantii bishan, ayay milkiilayaasha Liverpool waxay bangiyada u direen inay eegaan inta ay la egtahay in kooxdu ay soo jiidan karto iibsade cusub si ay u hesho maalgashi hor leh.

Talaadadii shalay, si kastaba ha ahaatee, milkiilayaasha United oo ah qoyska reer Glazer ayaa waxay ku dhawaaqeen inay kooxdooda suuqa geliyeen.

Dadka gudaha u dhuun daloola ayaa sheegaya in waqtiga tillaabadaasi aysan ahayn wax iska dhacay, balse ay doonayaan inay Reds suuqa ka riixdaan.

Hadalsame Media