Nin gabdhaha yar yar muuqaallo anshax xumo ah ka duubayey oo lasoo qabtay

0

(Hadalsame) 21 Nof 2022  Ciidamada Booliska Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay Eedeysane loo haysto inuu tacadiyo u gaystay gabdho da’yar, islamarkaana uu muuqaalladooda ku faafiyey Baraha Bulshada, gaar ahaan TikTok, taasi oo ka caraysiisey Bulshada.

Xuseen Xasan Gaabow ayaa laga soo qabtay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho abaare 1:50 habeenimo ee xalay, sida ay sheegtay Taliye Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen.

Eedaysanaha ayaa lagu haystaa inuu daroogo siinayey gabdhaha da’da yar kahor inta uusan filim ka duubin xadgudubka uu samaynayo ee aanu muuqaallada ku baahin bar-kulanka caanka ah ee TikTok.

Jen. Zakiya Xuseen ayaa intaa ku dartay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay ka go’an tahay ka jawaabista cabashooyinka bulshada iyo sugidda amniga.

Dad badan oo baraha bulshada soo dhigayey sawirkiisa iyagoo si wayn u soo dhoweeyey xariga Xuseen Xuseen, waxaana ay ku bogaadiyeen ciidamada booliska sida deg dega ah ee ay usoo xireen.

Hadalsame Media