Gabar weriye ah oo la baartay iyadoo kasoo warramaysa Koobka Adduunka (Daawo)

0

(Hadalsame) 21 Nof 2022 Gabar weriye ah oo u dhalatay dalka Argentina ayaa sheegtay in iyada oo hawada si toos ah ugu jirta la dhacay xilli ay dalka Qadar kasoo tebinaysey ciyaaraha adduunka, waxaana boorsadeeda laga xaday lacag iyo warqado dokumentiyo ah.

Dominique Metzger ayaa wax kasoo tebinaysey agagaarka Corniche ee Dooxa isku diyaarinta ciyaartii ugu horraysey ee tartanka markii ay sheegtay in alaabta laga xaday.

Metzger oo hadashay kaddib dhacdada ayaa sheegtay in ay ku wargalisey booliiska degaanka, ayna la yaabtay jawaabtooda.

“Waxa aan watay boorsadaydii yarayd oo ay ku jiraan dhammaan waxyaalaha uu qofku u baahan yahay, boorsadaydii lacagta, furayaasha qolka hoteelkayga, xoogaa tiishyo ah,” ayay Metzger u sheegtay shabakadda TN.

‘Oo waad cayaaraysay, sax?’ weriyihii ayaa weydiiyey. “Haa, waxaan la qoob-ka-cayaarayey dadkii badnaa, waxaanan ku qanacsanahay inay ahayd xilligaas markii uu qof furay jinyeerka boorsada oo uu qaatay boorsadaydii ku dhex jirtey,” ayay ku jawaabtey.

Kaamaradu ma qaban tuugga boorsada qaatay, balse waxaa jira muuqaal muujinaya iyada oo qoob ka ciyaaraysa oo ku dhex jirta dad badan oo ay shandaddeedu dhinac uga laadlaadsan tahay.

Hadalsame Media