”Ma jiraa qof ila cashaynaya?” – Gary Neville oo ku jeesjeesay hadal uu Ronaldo ka sheegay isaga

0

(Hadalsame) 19 Nof 2022 – Cristiano Ronaldo oo beri dhowayd waraysi holac ah siiyey Piers Morgan, ayaa sheegay in uusan waqti dhow damacsanayn inuu la casheeyo laacibkii ay isku kooxda ahaayeen ee Gary Neville.

Ronaldo ayaa yiri, isaga oo uu xigtey The Sun: “Waa ay fududahay in wax la dhaleeceeyo, ma garanayo haddii shaqada aad telefishinka ka hayso ay ku saabsan tahay in wax la dhaleeceeyo,”

”Waase adag tahay inaad aragto dadkii aad qolka lebiska isla soo wadaagteen oo noocaa kuu dhaliilaya,” ayuu raaciyey Ronaldo.

Markii lagusii cadaadiyay inuu ka hadlo halka uu marayo xiriirkoodua, Ronaldo ayaa ku daray: “Weligay dib dambe uma wada cashayn doonno (Neville).”

Neville ayaa isaga oo si deg deg ah uga jawaabaya faalladan isaga ku fooggan, wuxuu soo dhigay Twitter-ka su’aal uu si uu si jeesjees ah isu weydiinayo: “Ma jiraa qof casho u socda?”

Hadalsame Media