Turkiga oo dalal kale uga daba tegey qaar ka mid ah dadkii qarxiyey Istanbul (Hay’adaha amniga DF Somalia oo…)

0

(Istanbul) 19 Nof 2022 – Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhimatay 38 kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii uu qarax ka dhacay wadada caanka ah ee Istiklal Avenue casar liiqii 13-kii Nofeembar, sida uu baraha bulshada ku xaqiijiyey Gudoomiyaha Istanbul ee Ali Yerlikaya.

Hay’adaha ammaanka Turkiga ayaa ilaa xilligaasi waxa ay wadeen howgallo rogaal celin ah iyagoo soo xirxirey dad sodomeeyo ku dhow oo ay ku jirto haweenay la sheegay inay iyadu miinada dhigtay oo uu dhalatay Suuriya.

Howshu halkaa kuma harine Sirdoonka Turkiga ayaa haatan 5 qof oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen weerarkii Istanbul ee Nofeembar 13 kasoo qabtay gudaha dalka Bulgaria.

Waxay saddexda qof kala yihiin seddax qof oo Moldovan iyo laba Carab ah, sida ay sheegtay BTA. Turkiga ayaa horay u sheegay in mid ka mid ah tuhmanayaasha ugu wayn ee looga shakisan yahay qaraxa uu u baxsaday dhanka xuduudda Bulgaria

Dadkan Bulgaria u baxsaday ayaa afar ka mid ah la sheegay inay qaraxa dhacay ka saacidayeen dhinacyada sahayda, saanadda iyo farsamada.

Waxay tani ceebaynaysaa sirdoonka iyo hay’adaha ammaanka Somalia oo marka ay wax dhacaan oo ay walba ka hortegi waayaan aan haba yaraatee lahayn wax ka daba tag ah, tusaale, qaraxii lagu hoobtay ee Soobbe Laba, ilaa haatan hal shimbir looma qaban, meel uu ka yimidna xitaa lama yaqaan. Misna waxaa dalka ka jira hay’ado sheegta inay ammaan jiraan ama ay sirdoon yihiin.

Halkan ka aqri waxa Turkiga ay ka baran karaan…

Hadalsame Media