Dal ka qaybgelaya Koobka Adduunka oo durba uu geel ololayaa dhibaato ku hayo (Waxay la derseen xero geel)

0

(Hadalsame) 18 Nof 2022 – Waxaa jirta cabsi laga qabo in xiddigaha Ingriisku ay wajahaan habeenno hurdo la’aan ah inta lagu guda jiro Koobka Adduunka Qadar – sababta oo ah waxay la derseen geel ay saxaafadda UK ku sheegtay mid ”buuq badan” oo ay ula jeedaan ololkiisa, kaasoo ku xarooda meel ku dhow hoteelkooda.

Xulka uu hoggaamiyo Gareth Southgate ayaa Talaadadii ka degey Qadar si uu uga qaybgalo Koobka Adduunka oo furaya Axadda markaasoo ay Qadar wajahayso Ecuador. England ayaa galabta oo Isniinta ah ee xigta la ciyaari doonta xulka Iran kulankooda koowaad ee Group B.

There are fears that England’s stars could be left facing sleepless nights throughout the World Cup – because of a pair of noisy camels outside their hotel.

Madaxa Xulka Saddexda Libaax iyo Madaxda FA-ga ayaa ku tashaday in saldhigga xulka ee Koobka Adduunka laga dhigo Hoteelka Souq Al Wakra. Goobta ayaa la aaminsanaa in ay tahay meesha ugu haboon ee ay England uga bixi karto xamaasadda iyo buuqa caasimadda Qadar ee Dooxa – balse go’aankooda ayaa u muuqday mid aan noqon sidii laga rabey.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in xiddigaha Ingriiska looga tago inay wajahaan habeeno hurdo la’aan ah inta lagu guda jiro Koobka Adduunka – sababta oo ah labo geel ah oo buuq badan oo ka baxsan hoteelkooda.

 

Haatan waxaa hoteelka ay England u doorteen inuu yahay mid ‘xasilloon’ oo ‘nabdoon’, dhib wayn ku haya geel deris la aha oo habeenkii oo idil ololaya, taasoo saamayn ku yeelatay hurdada laacibiinta oo ay muhim tahay inay helaan nasiino ku filan si uusan tarkiiskoodu u xumaanin.

Waxaa dhibka qayb ka ah qolalka dhismaha oo aan lahayn nidaamka xadidada jabaqda bannaanka ka imanaysa (sound insulation) ama ay ku yaallaan kuwo aan tayo fiicnayn.

Souq Al Wakra Hotel

Hadalsame Media