“Baasaboorkeenna ma shaabbadayn kartaan” – Dowladda Ciraaq iyo Xulka Costa Rica oo xadka isku helay

0

(Hadalsame) 16 Nof 2022 – Isku diyaarinta Koobka Adduunka ee Xulka Costa Rica ayaa la kulmay dib u dhac kaddib markii kulan saaxiibtinimo oo la qorsheeyey inay Ciraaq la yeeshaan loo baajiyey muran baasaboor la xiriira.

Xulka Costa Rica ayaa ku sii jeedey ciyaarta oo Khamiistan ka dhici lahayd magaalada Basra iyagoo bas ka raacay xeradooda tababarka ee Kuwait.

Waxay horay Dowladda Ciraaq ugula heshiiyeen inaan shaabbadda gelista lagu dhufan baasaboorradooda, balse waa looga baxay ballantii.

Waxaa jirey walaac laga qabey in shaabadda baasaboorka ee Ciraaq ay dhibaato u keeni karto gelitaanka waddamada kale ee mustaqbalka.

Waxaa la go’aamiyey in gebi ahaanba la joojiyo ciyaartii saaxiibtinimo iyagoo ku sii sugnaan doona Kuwait.

Waa arrin hoos u dhigaysa diyaargarowga tartanka KA2022 ee Costa Rica, maadaama uu ahaa kulankoodii ugu dambeeyey ee is diyaarinta.

Waxay Qadar u safrayaan Jimcaha berri iyagoo ku guruub ah dalalka Spain, Germany iyo Japan.

Hadalsame Media