SADARRADA DHEXDOODA: Qishka ka dambeeya ”joojinta” gabdhihii Sucuudiga la gaynayey

0

(Muqdisho) 16 Nof 2022 – Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee DF Soomaaliya ayaa sheegtay in la ”joojiyey” in shaqaale ama xoogsato Soomaaliyeed loo qori karo in dalka laga dhoofiyo.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa sidoo kale shaaciyay, in wixii hadda ka dambeeya la baabi’iyey dhammaaan rukhsadihii iyo shatiyadii hore ee ay Wasaaradda Shaqadu bixisay kuwaasoo la siiyey shirkadaha qalaad ee shaqada bixiya.

Go’aanka lagu joojiyey shaqaalaysiinta xoogsatada ayaa lagu sheegay in loo cuskaday kaddib markii ay Wasaaraddu aragtay jiritaanka hay’ado si joogto ah oo sharci darro ah dalka uga dhoofiya shaqaale Soomaaliyeed tiiyoo aan warba laga haynin, oo aan wax heshiis ah lala gelin.

Waxay kaloo wasaaraddu sheegtay inay jiraan tacaddiyo iyo xadgudubyo lagula kaco shaqaalaha loo dhoofiyo dalka dibbediisa, arrintaas oo ay sheegtay inay kusoo wargaliyeen qoysaskooda.

Si kastaba, marka la dhuuxo, qoraalkani uma muuqdo mid wax lagu joojiyey ee wuxuu u egyahay mid sheegaya in howshan la hakiyey uune dib loo bilaabi karo, iyadoo la dhaliilayo cid kale oo aan dabcan lasoo xiriirin DF Somalia oo leh hay’ado ummadda aan adeeg siinin, balse lacago kala duwan oo aan marar badan qiil ku dhisnayn ka qaata.

Hadalsame Media