Maraykanka oo kordhiyey lacag uu horay u dul dhigay madaxa hoggaanka Shabaabka (Tillaabo kale oo ku cusub)

0

(Washington, DC) 14 Nof 2022 – Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka (RFJ) oo ay maamusho Hay’adda Ammaanka Diblomaasiyadda, ayaa kordhinaysa abaal-marinta lacageed ee ay dul dhigayso madaxda Shabaabka oo la gaarsiiyey ilaa 10 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah midkiiba taasoo la siinayo ciddii keenta xog horseedaysa aqoonsiga ama garashada halka ay joogaan hoggaamiyeyaasha muhimka ah ee Al Shabaab, sida Axmed Diiriye, Mahad Karate, iyo Jehad Mostafa.

RFJ waxa ay sidoo kale abaal-marin lacageed oo dhan 10-milyan oo Doollar ku bixinaysaa ciddii keenta xog horseeda carqaladaynta hababka maaliyadeed ee Al Shabaab.

Ku dhawaaqistan ayaa noqonaysa markii ugu horraysey oo ay Wasaaraddu abaal-marin ku bixiso xogta shabakadaha dhaqaaluhu u maro kooxda Al Shabaab.

Al-Shabaab oo ah ururka ugu sarreeya ee xiriirka la leh al-Qaacida dhanka Bariga Afrika, ayaa mas’uul ka ah weerarro badan oo argagixiso oo ka dhacay Soomaaliya, Kenya, iyo dalalka deriska la ah kuwaasoo ay ku dhinteen kumannaan qof oo ay ku jiraan  muwaadiniin Maraykan ah iyo kuwo u dhashay dalalka ay kooxdani ka jirto, sida ay warbixintu sheegtay.

Waaxda Arrimaha Dibedda ayaa al-Shabaab u aqoonsatay Urur Argagixiso Shisheeye (FTO) iyo Argagixiso Caalami ah oo Gaarka loo Asteeyey (SDGT) bishii Maarso 2008-kii.

Ragga la xusay waa Ahmed Diriye, oo ahaa Amiirka Al Shabaab tan iyo Sebtembar 2014, Mahad Karate oo maaliyadda xukuma, iyo Jehad Mostafa oo Maraykanka ah kuna noolaan jirey gobolka California.

Barnaamijka RFJ ayaa tan iyo markii la aasaasay 1984-kii, wuxuu bixiyay in ka badan $ 250 milyan oo Doollar oo la siiyey ilaa in ka badan 125 qof oo xog ka keenay dad la raadinayey.

Hadalsame Media