XOG: MW Xasan Sheekh oo dalal hor leh u safraya (Rag wareegto xilalka looga qaadayo)

0

(Washington, DC) 14 Nof 2022 – Madaxwaynaha Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ku sugan dalka kaddib kasoo noqoshadiisa Eritrea, ayaa xilliyada soo socda u safraya booqashooyin kale oo uu ku kala bixinayo dalka dibeddiisa.

MW Xasan ayaa wuxuu isu marayaa labo dal, isagoo ku dambayn doonaa Maraykanka, halkaasoo uu kaga qaybgelayo shirka qaaradda Afrika iyo Maraykanka oo halkaa ka dhici doona, sida uu sheegay Faarax Cabdulqaadir Maxamed oo xogtan ka helay ilo lagu kalsoonaan karo.

Yeelkeede, kahor socdaalkiisa ayaa wuxuu samayn doonaa isbedello qaarkood lasii sheegay xogtooda, isagoo sii dayn doona wareegtooyin saxiixnaa 3-dii maalmood ee lasoo dhaafay oo rag badan xilal looga xayuubinayo.

Waxaa ka mid ah bedelidda Gudoomiye Xigeenka Gobalka Banaadir, gaar ahaan Amniga & Siyaasadda oo uu sanadihii dambe hayey Cali Yare Cali, waxaana hadda la keenay qof cusub.

Hadalsame Media