DAAWO: Qofku qiil ma u haystaa inuu bixiyo kharashaadka qaraxyada loo adeegsado? (Sheekh Umal oo ka jawaabey?)

0

(Nairobi) 31 Luulyo 2022 – Sheekh Umal oo ka mid ah culimada waawayn ee Soomaaliyeed ayaa la hor dhigay su’aal ku saabsan inay bannaan tahay in Shabaabka la siiyo lacagaha ay xoogga uga qaadaan ganacsatada.

Shabaabka ayaa lacagahaas oo ay ”Sakawaad” ku sheegaan ka ururiya ganacsatada iyo qof kasta oo ay iyaga la noqoto, kaddibna waxay ku fuliyaan howlgallo ay qaraxyada iyo dadka kale ee la dilayo ay ku jiraan.

Sheekha ayaa haddaba la waydiiyey inuu qofku qiil diini ah u heli karo inuu lacagtaas bixiyo isagoo naftiisa badbaadsanaya, balse og in dad kale oo aan waxba galabsan lagu dili doono. Sh. Umal oo arrinta laba u kala qaaday ayaa ku jawaabey:

DHANKA SHARCIGA – Inuu qofku sakada siiyo qofkii waydiiyo, sax iyo khalad wixii uu isagu yahay waa gaare, qofka waa ka gudaysaa. Xusuusnow waxaa laga hadlayaa sharciyan.

SAKADA MALA HORMARIN KARAA? Haa, sharciyan sidaa waa la samayn karaa.

MA BIXIN KARTAA XOOLO DAD KALE LAGU DILAYO? Ma bixin kartid hanti aad ogtahay inuu hadhoow dad kale ku dilayo lama bixin karo oo ma bannaana, xitaa haddii uu qofku ku doodayo waa la i ”khasbayaa”, waayo is keeni maayaan shuruudaha ikraaha.

SHURUUDAHA IKRAAHA: A) Haddii aad qofka ku khasbaya iska celin karto ikraah ma jiro. B) Haddii aad ka carari karto ikraah ma aha. C) In qofka ku khasbayaa uu falka markaaba samaynayo ee uusan berri ku madlaynin iyo inaan qofku muujin inuu ikraaha ku marmarsoonayo laakiin uu isagu doonayo falka. D) Waxaan ikraaha gebi ahaanba ka mid ahayn goynta naf aan waxba galabsan, taas waa la igu khasbay ma dhihi kartid, xitaa haddii lagu yiraahdo ama waa ku dilayaa ama qofkan dil, waa inaad adigu dhimataa.

Waa jawaabaha Sheekh Umal.

Hadalsame Media